HESHIIS WADA SHAQAYN AH
KU SOCDA:
MACALIMIINTA DUGSIGA WAX KA DHIGA
Hishiiskan wuxuu dhex marayaa dugsiga “BARRO ACADEMY”, iyo macalimiinta dugsiga
wax ka dhiga, isagoo ku hishinaya qodobadan hoos ku xusan:
- In uu ixtiraamo isla markaana uu taxgalyo shuruudaha ku xeeran xeerarka u dhigan
dugsiga, inta uu macalinku xubin ka yahay. - In koorsada lagu dhex iibin doono dugsiga “BARRO ACADEMY” oo keliya.
- In aanay koorsadu sinnaba u banaanayn in meel public ah la soo dhigo sida YouTube
iyo wixii la midka ah. - In go’aamada la xidhiidha “discount-ka” iyo “give away-ga” uu go’aan ka gaadhi karo
dugsigu, aynaan muhiim ahayn in la ogaysiiyo macalinka koorsada. - n lacag bixintu ay u dhacayso si todobaadle ah, ama 5-tii qof ee iibsada koorsada.
- In qiimaha lagu iibsanayo koorsadu uu macalinku leeyahay 50%, 50%-ka kalena uu
dugsigu leeyahay. - n ay koorsadu ilaa weligeed ku jirto dugsiga, xitaa hadii ay wada shaqayntu meesha
ka baxdo, si loo ilaaliyo xaqqa ardayda iibsata koorsada - In aysan banaanayn in koorsada dhexdeeda lagu dhex xuso ama lagu dhex xayaysiiyo
wax alaale wixii ganacsi, mashaaric iyo social media-ha macalinka ku saabsan. - In wixii update ah ama wax ka bedel ah ee ay u baahato koorsadu, uu macalinku dib u
soo duubo, si ay koorsadula jaan-qaade jilba jilka ka danbeega.
Haddii aad saxixdo hishiskan, waxaad caddaynaysaa inaad ogolaatay qodobada kor ku xusan
idil ahaantood. Qolada hubinta, dib-u-eegis ku samayn doonaan koorsada, ka hor inta aysan
fasixin, isagoo ka eegi doona inay buuxisay dhamaan shuruudaha kor ku xusan oo dhan